Markii ugu horeysay, Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa ka hadashey mowqifkeeda la xiriira, isbedelka lagu sameeyay duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, kaasoo sanadkan billowga ah qaatay magaca AUSSOM.
Sheekh Mahad Warsame Abuu Cabdi-Raxmaan oo khudbad ka jeediyay, mucaskar loo soo xiray tobanaan askari oo katirsan ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab, ayaa ka hadlay xaaladda dalka.
Waxyaabaha uu hogaamiyahan katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka hadlay waxaa kamid ah, duullaanka ciidamada Shisheeyaha ee Soomaaliya, kaasoo dhawaan lagu sameeyay isbedelka.