Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa si buuxda ula wareegay, gacan ku heynta deegaanka Bariire oo dhaca inta u dhaxeysa degmooyinka Awdheegle iyo Afgooye ee gobalka Sh-hoose.
Tani ayaa timid kadib markii askartii Dowladda Fedaraalka ee ku sugnaa halkaasi ay firxadeen, kadib markii ay soo wajahday baqdin xooggan oo ku aaddan iney la kulmaaan weerar cagmarin ah, iyadoo shalay la xasmiyay xeryihii askarta Dowladda Fedaraalka ee deegaanka Sabiid.
Geesta kale ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa xalay weerar ku qaaday, xerada ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin degmada Diinsoor ee gobalka Baay.
Sidoo kale weerar ayaa lagu qaaday saldhigga askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ay ku leeyihiin halka loo yaqaanno Makuudo ee duleedka magaalada Beydhabo.