Wednesday, June 18, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Qarax Askar Lagu Dilay Ka Fuliyay Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka...

Al-Shabaab oo Qarax Askar Lagu Dilay Ka Fuliyay Magaalada Ceel-waaq ee Gobalka Gedo.

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ee koonfurta Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab gaar ahaan guutooyinka qaraxyada ay maanta gobalkaasi ka fuliyeen weerar qarax ah.

Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay nawaaxiga xiro ciidan oo ku taalla degmada Ceel-Waaq ee gobalka Gedo, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.

Mooto ay saarnaayeen askar katirsan Dowladda Fedaraalka ayuu heelay qaraxa, waxaana halkaasi ku dhintay 3 askari, iyadoo ay burburtay mootadii ay wateen.

Askarta lagu dilay qaraxaan ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Ibraahim Faarax Timacade, Nuurkeey iyo Abshir.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.