Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weerar qarax ah la beegsadeen, mid kamid ah masuuliyiinta gobalka Sh-hoose ee Dowladda Fedaraalka.
Weerarka qaraxa ah ayaa waxa uu ka dhacay magaalada Marka ee xarunta gobalka Sh-hoose, waxaana lala beegsaday gudoomiyaha Dowladda Fedaraalka ugu magacaaban degmadaas.
Gudoomiyaha la beegsaday ayaa lagu magacaabaa Cusmaan Muuse Maxamed, waxaana qaraxa ka dhashay khasaare.
Cusmaan ayaa ka badbaaday qaraxa, balse waxa ay xogu sheegayaan iney ku dhaawacmeen 2 kamid ah ilaaladiisa.