Wednesday, June 4, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo soo Riday Diyaarad Helicopter ah Lana Wareegay Deegaanka Xawaadley.

Al-Shabaab oo soo Riday Diyaarad Helicopter ah Lana Wareegay Deegaanka Xawaadley.[BAYAAN]

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta deegaanka Xawaadley ee gobalka Sh-dhexe kusoo rideen, diyaarad Helicopter ah oo ay leeyihiin ciidamada Shisheeye ee kusoo duulay dalka.

Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska Millatariga ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab lagu xaqiijiyay, in ciidamada Mujaahidiinta ay soo rideen diyaaradda oo ay lahaayeen ciidanka Shisheeye, taas oo si gaar ah kaga diiwaan gashaneyd dalka Uganda, kadib markii ay laheen hub culus.

Sidoo kale warsaxaafadeedka waxaa lagu sheegay, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Xawaadley, kadib markii ay halkaasi isaga firxadeen ciidamada Shisheeye ee Burundi iyo kuwa Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Bayaanka iyo Xaaladihii Ugu Dambeeyay ee Xawaadley

Halkaan ka Akhiros Warsaxaafadeedka oo PDF ah

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.