Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay maanta halkaasi ka fuliyeen weerar khasaare dhaliyay.
Weerarka ayaa lagu qaaday ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa deegaanka “Baraag Sheekh Cabdullaahi” ee duleedka degmada Ceeldheer oo katirsan gobalka Galgaduud.
Inta la xaqiijiyay 1 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dilay weerarkaan, halka lagu dhaawacay mid kale.