Weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab maanta ka fuliyeen gudaha magaalada Baraawe ee gobalka Sh-hoose, kaas oo ay ku beegsadeen masuul katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed.
Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay gudaha saldhigga Boliska ee magaalada Baraawe, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Taliyaha Boliska maamulka la baxay Koonfur-galbeed ugu magacaaban degmada Baraawe ee gobalka Sh-hoose Aadan Yuusuf (Aadan Baroon) iyo 2 askari oo ilaalo u ahayd ayaa lagu dhaawacay qaraxaan.