Friday, July 11, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Weeraro Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Magaalooyinka Muqdisho & Beydhabo.

Al-Shabaab oo Weeraro Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Magaalooyinka Muqdisho & Beydhabo.

Habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay howlgallo kala duwan ka fuliyeen magaalooyinka Muqdisho iyo Beydhabo, kuwaas oo lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka iyo kuwa maamulka la baxay Koonfur-galbeed.

Haddaan ku horreyno magaalada Beydhabo, waxa ay xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab xaafad katirsan magaaladaas ka fuliyeen, weeraro toos ah oo lala beegsaday saldhig ay askarta maamulka la baxay Koonfur-galbeed ku leeyihiin magaalada.

Saldhigyada la weeraray oo 2 ahaa ayaa waxaa ku sugnaa ciidamada Booliska maamulka la baxay Koonfur-galbeed, waxaana halkaasi lagu dilay hal askari oo lagu magacaabi jiray Marshaale.

Dhanka magaalada Muqdisho, waxay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab isla xalay halkaas ka fuliyeen, weerar qarax ah oo lala beegsaday askar katirsan Dowladda Fedaraalka.

Qaraxa ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay, bar-koontarool oo ay ciidamadu kaga sugnaayeen xaafadda Carafaat ee degmada Yaaqshiid oo katirsan magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 1 askari.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.