Thursday, June 5, 2025
HomeAll NewsAl-Shabaab oo Weeraro Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Sh-Hoose iyo Dhulka NFD.

Al-Shabaab oo Weeraro Khasaare Dhaliyay ka Fuliyay Sh-Hoose iyo Dhulka NFD.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay weeraro isugu jira qarax iyo kamiin ka fuliyeen, degmo katirsan gobalka Sh-hoose iyo gobalka Gaarisa oo kamid ah dhulka NFD ee ku hoos jira gumeysiga Kenya.

Haddaan ku horreyno gobalka Sh-hoose, waxa ay habeenkii xalay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab weerar qarax ah la beegsadeen, askar katirsan Dowladda Fedaraalka oo ku sugnaa degmada Qoryooley ee gobalkaas.

Inta la xaqiijiyay 2 askari oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa lagu dhaawacay, weerarkaan qaraxa ah ee ay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ka fuliyeen degmada Qoryooley.

Geesta kale Weerar dhabbagal ah ayaa loo dhigay ciidamo katirsan kuwa kenya iyo malleeshiyaad daacad u ah, wuxuuna ka dhacay degaanka agagaarka degaanka Walmareer ee hoostaga degmada Faafi ee gobolka Gaarisa ee ku hoos jira gumeysiga dowladda Kenya.

Dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay weerarkan, waxayna ciidanka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab mid kamid ah garneyllada garbaha laga geno la beegsadeen gaari Taw ah.

 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.