Saturday, April 12, 2025
HomeUncategorizedAqoonyahan Sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay Rabaan ku Dhaqanka Shareecada Islaamka.

Aqoonyahan Sheegay in Dadka Soomaaliyeed ay Rabaan ku Dhaqanka Shareecada Islaamka.

Aqoonyahan ku sugan dalka dibaddiisa oo sheegay in Dowladda Fedaraalka ay lamid tahay tii Cabdullaahi Yuusuf oo umadda hogaan uga dhigtay dad mooryaan ah, isagoona tilmaamay in Soomaalidu aysan rabin dadka nuucaas ah, ayna doonayaan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Aqoonyahankaan oo lagu magacaabo Maxamed ayaa waxa uu tusaalooyin usoo qaatay Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee soo maray Soomaaliya, iyo sida ay dadka ku dhaqan Magaalada Muqdisho usoo dhaweeyeen ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

Dowladda Fedaraalka ayuu sheegay iney lamid tahay tii Cabdullaahi Yuusuf oo loo arkayay iney tahay dowlad camiil ah oo Shisheeye ku tiirsan, dadka kasoo horjeedana aan la oran karin waa kuwa qaldan, ugu dambeynna ay yihiin kuwa ka guuleysan doono maamulka hadda jira sidaba ka dhacday Afghaanistaan iyo Suuriya.

Audio Player

Halkaan ka Degso Codka Aqoonyahanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.