Dhawaan waxaa magaalada Jilib ee gobolka Jubada Dhexe xaflado lagu maamuusayay arday ka qalin badalatay machadka Imaam As-Sakhaawi ee ku yaalla magaalad Jilib.
Xafladaha oo loo kala dhigay ardayda oo wiilal iyo gabdho ka koobnaa, ayaa dhacay maalimihii lasoo dhaaday, waxanaa warbixintan idinkugu soo gudbineynaa, xafladdii loo dhigay ardayda gabdhaha ah.
Munaasabad si heer sare ah loo soo agaamisay oo ay kasoo qeyb galeen marti-sharaf kala duwan oo ay ku jiraan culimo, mas’uuliyiin iyo waalidiin, ayaa ka dhacday Jilib.