Waxaa magaalada Buurdhuxunle ee gobolka Bakool ka dhacday xaflad si heer sare ah loosoo agaasimay oo ay ku qalinjabinayeen arday gaaraya 20 arday oo isugu jira wiilal iyo gabdho.
Ardaydan ayaa ka aflaxay madarasada Ummul-Quraa ee ku taalla magaaladaas, waxayna barteen Qur’aanka Kariimka iyo culuumtiisa.
Xafladda waxaa kasoo qeygalay marti sharaf kala duwan oo ay kamid yihiin culimo, mas’uuliyiin, waalidiin iyo waxgarad.