Boqolaal askar dhaawacyo ah oo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa shegay iney dareemayaan xaalad amni darro, iyo iney la kulmaan dayaac kaga timaada dhanka dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh.
Waxaa muddo bilooyin ah guri ku yaalla magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya lagu hayaa dhaawacayadii boqolaal askar oo katirsan ciidanka Dowladda Fedaraalka kuwaasoo kusoo dhaawacmay dagaallada ka socda gobolka Hiiraan.
Askartan ayaa waxaa lasoo daristay xaalad amni darro, waxayna dhanka kale ka cabanayaan in ay la kumaan dayaacaad kaga timaada dhanka Dowladda Fedaraalka maadaama ay dhaawacyo qabaan.