Wararka ka imaanaya gobalka Sh-hoose ayaa ku waramaya, in ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay weerar qarax ah la beegsadeen, qaar kamid ah askartii Dowladda Fedaraalka ee ka firxatay weerarkii Sabiid.
Qaraxa ayaa waxaa askarta firxadka aheyd lagula beegsaday duleedka degmada Afgooye ee gobalka Sh-hoose, waxaana ka dhashay khasaare nafeed.
Waxa uu qaraxu haleelay Mooto ay wateen ciidanka firxadka ahaa, waxaana halkaasi ku dhintay 4 askari, halka ay basbeeshay Mootadii ay wateen.