Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsAskar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Haween Dil & Dhaawac Ugu Geystay Muqdisho.

Askar Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Haween Dil & Dhaawac Ugu Geystay Muqdisho.

Maalintii shalay askar katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa waxa ay si bareer ah rasaas ugu fureen, dad rayid ah oo ku sugnaa xaafadda Soonakey oo katirsan degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan 1 gabar ayay goobta ku dileen ciidankaan halka ay dhaawaceen 2 kale oo dumar ah, kuwaas oo midood ay ugeeriyootay dhaawacii soo gaaray.

Ciidanka ayaa doonayay iney barakiciyaan dadka rayidka ah, iyagoo sidoo kale baad ka qaatay bulshada, qaar kamid ah dadka deegaanka oo ka warbixiyay dhacdadaan ayaana sheegay in askartu ay sidoo kale jirdil iyo xadgudubyo kale ku kaceen.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.