Ciidamo Katirsan Dowladda Fadaraalka ayaa Ku Dhintay Dagaaladii maalmihii lasoo Dhaafay Ka Dhacayay Deegaanno Hoostaga Magaalada Matabaan ee gobalka Hiiraan.
Dagal beeleedyadii maalmihii lasoo dhaafay ka dhacayay Deegaanada hoostaga Dagmada Matabaan ee gobolka Hiraan, ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dhinteen qaar kamid ah ciidamada Dowladda Fadaraalka.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya, in ciidamadaan ay ahaayeen kuwa lakala safan maleeshiyaad ku dagaallamay Dagmda Matabaan.
Ilo wareedyo ayaa warbaahinta u xaqiijiyay, in ciidamada ku dhintay dagaaal beeleedyada ay ka kala tirsanayeen, ciidanka Sirdoonka iyo mallatariga ee Dowladda Fadaraalka.
Tani ayaa waxa ay xoojineysaa hadalheyntii aheyd in ciidamada Dowladda Fedaraalka ay hormuud ka yihiin dagaal beleedyada ka socda goobaha ay ku sugan yihiim, ayna ka qeyb galaan dagaallada u dhaxeeya maaleeshiyaadka dagaallada.