Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsAskar Katirsan Maamulka Jubbaland oo Isku Dhiibay Dowladda Federaalka. .

Askar Katirsan Maamulka Jubbaland oo Isku Dhiibay Dowladda Federaalka. [Dhagayso].

Mid kamid ah askartii mudada la shaqeyneysay Axmed Madoobe ayaa sheegay in aysan wax xuquuq ah ka helin maamulka la baxay Jubbaland.

Maxamed Cabdullaahi oo loo yaqaanno Saajiin waxa uu kamid yahay ciidamadii ku sugnaa Raaskambooni ee isku dhiibay Dowladda Fedaraalka.

Waxa uu sheegay in muddo 15 sano ah uu la shaqeynayay maamulka la baxay Jubbaland, mudadaasna aysan helin xuquuqdii iyo qadarintii ay mudnaayeen sida uu hadalka udhigay.

Waxa uu tilmaamay iney ku faraxsan yihiin iney ku biiraan Dowladda Fedaraalka, isagoo intaa ku daray in uu udhaawacmay maamulkaas wax darajo ahna uusan helin.

Halkan kala deg

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.