Monday, June 2, 2025
HomeAll NewsAskar Kenyaan ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Shil ka Dhacay...

Askar Kenyaan ah oo Dhimasho iyo Dhaawac ku Noqday Shil ka Dhacay Mandheera.

Saacadihii lasoo dhaafay waxaa inta udhaxeysa degaanada War-Gaduudo iyo Hareeri Suuki oo hoostaga degmada Ceel-Qaaloow ee gobolka Mandheera ka dhacay, shil gaari oo ay dhimasho iyo dhaawac ku noqdeen askar Kenyaan ah.

Ciidankan oo saarnaa gaari Kooyal ah ayaa shil galay, waxaana ku dhintay 3 askari, halka ay ku dhaawacmeen 6 kale.

Sido kale wuxuu burbur xooggan soo gaaryay gaarigii shilka galay ee Kooyalka ahaa.

Marar kala duwan ayey ciidamada Kenya galeen shilal ay ka dhaxleen khasaarooyin badan gaadiidna uga burburay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.