Askar katirsan Dowladda Kenya ayaa dhimasho iyo dhaawac ku noqday weerar ka dhacay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.
Wararka ka imaanaya dalka Kenya ayaa ku waramaya, in kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo katirsan Dowladda Kenya oo roondo ka waday deegaan katirsan magaalada Nairobi ee caasimadda dalkaas.
Inta la xaqiijiyay 1 askari ayay kooxdu ku dishay weerarkaan, halka ay sidoo kale dhaawaceen 2 kale, kuwaas oo lasoo warinayo in dhaawacoodu uu yahay mid halis ah.
Taliyaha Boliska Dowladda Kenya ayaa sheegay, in aysan bixin karin tafaasiil dheeraad ah oo ku aaddan weerarkaan, islamarkaana ay wadaan baaritaanno ku aaddan sida ay wax udhaceen.