Saturday, April 19, 2025
HomeAll NewsAskar Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Duleedka Masagawaay iyo Qarax ka Dhacay...

Askar Lagu Dilay Weerar ka Dhacay Duleedka Masagawaay iyo Qarax ka Dhacay Beydhabo.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa waxa ay maanta weerar ku qaadeen, isbaaro ay askarta Dowladda Fedaraalka dhigteen deegaan katirsan gobalka Galgaduud.

Weerarka ayaa lagu ekeeyay, isbaaro askarta utiillay deegaanka Masagawaay oo katirsan gobalka Galgaduud ee bartmaha Soomaaliya.

Inta la xaqiijiyay 2 askari ayaa lagu dilay weerarkaan, kuwaas oo laga furtay 2 qori oo ay ku hubeysnaayeen.

Geesta kale weerar qarax ah ayay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab la beegsadeen, askar katirsan maamulka la baxay Koonfur-galbeed oo ku sugnaa xaafad katirsan magaalada Beydhabo.

Khasaare ayaa lasoo warinayaa inuu ka dhashay weerarkaan qaraxa ah, walow aanan helin halka uu gaarsiisan yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.