Tuesday, April 22, 2025
HomeWarka GudahaAskar Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Duleedka Baydhabo iyo Buulo-Mareer.

Askar Lagu Dilay Weeraro ka Dhacay Duleedka Baydhabo iyo Buulo-Mareer.

Ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta weerar xooggan ku qaaday, isbaaro askar katirsan utiillay, magaalada Buulo-Mareer ee gobolka Sh.Hoose.

Weerarka lgu qaaday isbaaradan, oo ay ciidanku dhigteen gudaha magaalada, ayaa lagu dilay 2 skari, waxaana laga furtay agabyo ciidan oo kala duwan.

Dhanka kale, Millateriga Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta howgal gaar ah ka fuliyay afaafka hore ee degaanka Goof-Gaduud Buureey oo hoostaga magaalada Baydhabo ee gobolka Baay.

Howlgalkaasi waxaa lagu dilay 2 askari, halka laga soo furtay 2 qori oo AK47 ah iyo booshashkooda.

Dhinaca kale, guutada madaafiicda ee Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa maanta tiro madaafiic ah ku weeraray, xerada ciidanka maamulka la baxay Jubbaland ay ku leeyihiin degaanka Buulo-Xaaji, madaafiicda ayaana gudaha xerada ku dhacay, iyadoo la sheegayo inuu khasaare jiro, walow aan faahfaahin laga bixin inta uu la eg yahay.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.