Eeney Cusmaan Arbow, waa askari horey uga tirsanaa Dowladda Federaalka, kana mid ahaa ciidamadii lagu soo tababaray dalka Ereteria.
Wuxuu isku soo dhiibay maamulka Islaamiga ee gobolka Shabeellaha Hoose, askarta kale ayuuna ugu baaqay iney kasoo baxaan safka ay ku jiraan, isagoo ka sheekeeyey dagaallo taariikhda galay oo uu goobjoog ahaa sida dagaalkii Masaggawaay.