Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya ka dhacay, dil iyo dhaawac uu geystay askari katirsan Booliska Dowladda Fedaraalka.
Dilkan iyo dhaawaca ayuu askarigu kula kacay 2 wiil oo dhalinyaro ah, wuxuuna falkan si gaar ah kaga dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha ee degmada Huriwaa oo katirsan gobolka Banaadir.
Askariga ayaa rasaas ku furay labada wiil, waxaana dhintay mid kamid ah oo ay rasaastu caloosha uga dhacday, halka midka kalena ay lugaha ka haleeshay.
Wiilka dhintay ayaa lagu magacaabijiray Cabdi Baashi Muuse Maxamuud, halka midka dhaawaca ah lagu magacaabo Ayuub Maxamuud.
Dilka kadib askariga ayaa isaga baxsaday goobta, mana jirto cid soo qabtay.
Halkan Ka Degso Faahfaahinta.