Maalintii shalay waxaa degmada Xarardheere ee gobalka Mudug ka dhacay, dil uu askari katirsan Dowladda Fedaraalka u geystay askari kale.
Nuur Cali Caalim ayaa lagu magacaabaa askariga la dilay, waxaana mar qura laga war helay askariga kale oo rasaas ku furay kan dhintay.
Illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa dilka askariga, waxaana lasoo warinayaa in askarigii dilka geystay uu goobta isaga baxsaday.