Wararka ka imaanaya magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya, in maalintii shalay askari katirsan Dowladda Fedaraalka lagu dilay magaaladaas.
Askariga la dilay ayaa waxa uu si gaar ah kaga tirsanaa ciidamada Boliska ee Dowladda Fedaraalka, kaas oo lagu magacaabi jiray Axmed Cabdi Cabdulle oo ku magac dheeraa Dhaga-juun.
Xogaha qaar ayaa tilmaamaya in nin shacab ah oo ku hubeysnaa qoriga AK-47 uu rasaas ku furay askarigaan katirsanaa Boliska Dowladda Fedaraalka, kaas oo isla goobta ku geeriyooday.
Ciidamo Boolis ah oo dilka kadib goobta yimid ayaa waxa ay gacanta ku dhigeen, nin ay ku tuhmayaan inuu ka dambeeyo dilka loo geystay askariga.
Warar kale oo ay warbaahinta qaar baahineyso ayaa sheegaya, in askariga uu ku dhintay iska hor-imaad dhexmaray ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka iyo dad beeraley ah oo ku dhaqan magaalada Guriceel ee gobalka Galgaduud.
Dilka askarigaan ayaa kusoo aadaya iyadoo saacadihii lasoo dhaafay askari katirsan Dowladda Fedaraalka lagu dilay degmada Cadale ee gobalka Sh-dhexe.