Friday, May 30, 2025
HomeAll NewsAskari Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Muqdisho ku Dilay Wiil Dhalinyaro ah.

Askari Katirsan Dowladda Fedaraalka oo Muqdisho ku Dilay Wiil Dhalinyaro ah.

Maalintii shalay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacay, dil uu askari katirsan Dowladda Fedaraalka u geystay wiil dhalinyaro ah oo kamid ahaa dhallinta ku nool gobalka Banaadir.

Wiilka la dilay oo lagu magacaabo Cali ayaa waxa uu ka shaqeynayay foorno rootiga lagu sameeyo oo ku taalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Cali oo ay da’diisu aheyd 21 jir ayaa waxa uu askarigu u toogtay sabab la yaab leh, taas oo aheyd in uu ku dhahay maxaad iga soo eegeysaa.

Dhowr xabadood ayuu askariga ku dhuftay wiilka dhalinyarada ah, taas oo sababtay in uu isla goobta ku geeriyoodo.

Dilka kadib waxaa goobta isaga baxsaday askarigii falka geystay, waana dhaqan ay had iyo goor sameeyaan ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa joogto ka noqday dilalka ay ciidamadu u geysanayaan dadka rayidka ah, waxaana intaas usii dheer dhaca iyo dhibaatooyinka kale ee ay geysanayaan ciidamada Dowladda Fedaraalka.

Halkaan ka Degso Warka Dilka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.