Maalintii shalay waxaa magaalada Baardheere oo katirsan gobalka Gedo ka dhacay, dil uu askari katirsan Dowladda Fedaraalka ugeystay mid kamid ah dhalinyarada magaaladaas.
Askariga ayaa wiilka dhalinyarada ah oo lagu magacaabo Cumar Sheekh C/rasaaq waxa uu ku dilay mid kamid ah suuqyada ku yaalla magaalada Baardheere ee gobalka Gedo.
Dad goonjoohayaal ah ayaa waxa ay saxaafadda u sheegeen, in muran soo kala dhex galay askariga iyo wiilka dhalinyarada ay ugu dambeyn sababtay, in uu askarigu si bareer ah rasaas ugu furo Cumar, taas oo keentay in uu isla goobta ku geeriyoodo.
Wararka ayaa intaasi ku daraya in dilka kadib uu goobta isaga baxsaday askariga falkaan geystay, kaas oo ubaxaday baadiyaha magaalada.
Dilalka ay geysanayaan ciidamada ayaa joogta ah goobaha ay ka taliso Dowladda Fedaraalka, waxaana ugu wacan iyadoo aysan jirin cid askarta kula xisaabtameysa dilalka bareerka ah ee ay kula kacayaan dadka shacabka ah.