Saacadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada Hargeysa ee gobolka Waqooyi-Galbeed Soomaaliya ka dhacay dil iyo dhaawac uu geystay askari katirsan Millateriga maamulka la baxay Soomaaliland.
Askarigan ayaa dilay xubno kamid ah qoyskiisa oo ah gabar uu isagu dhalay iyo hooyadeed, waxaana uu dhaawacay haweeney kalae oo la dhalatay hooyada la dilay islamarkaana caruurta habar-yar u ah.
Qaar kamid ah dadkii goob jooga ahaa markii ay wax ka dhaceen oo ay ku jirto haweeney habar-yar u ah caruurta hooyadood la dilay, ayaa la hadlay warbaahinta.