Maalintii shalay askari katirsan Sirdoonka Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan dil ugu geystay, haweeney kamid aheyd dadka ku dhaqan magaaladaas.
Haweeneyda la dilay ayaa waxa ay iibin jirtay Shaaha, waxaana lasoo warinayaa in uu askarigu si bareer ah u toogtay haweeneyda, sida ay sheegeen qaar kamid ah dadka ku dhaqan magaalada Baladweyne.