Maalintii shalay buuq iyo gacan ka hadal ayaa hareeyay kulan ay yeesheen xildhibaannada Dowladda Fedaaralka, kaas oo sababay dhaawacyada tiro dad ah.
Xildhibaannada qaar ayaa waxa ay feer iyo garaacis kula dhaqaaqeen askartii ku sugneed hoolka uu shirku ka dhacayay.
Muuqaal laga soo duubay xarunta baarlamaanka mudadii uu gacan ka hadalka dhacayay ayaa muujinaya, xildhibaan Firimbi oo feer ku dhaawacaya askari katirsan Boliska Dowladda Fedaraalka.
Askariga ayaa waxaa goor dambe la dhigay mid kamid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho, waxaana taliska Boliska ee Dowladda Fedaraalka uu si adag ucambaareeyay arrintaan.