Tuesday, July 15, 2025
HomeUncategorizedAskarta Dowladda Fedaraalka oo Gabar Muslimad ah ku Jirdilay Magaalada Muqdisho.

Askarta Dowladda Fedaraalka oo Gabar Muslimad ah ku Jirdilay Magaalada Muqdisho.

Ciidamo katirsan Dowladda Fedaraalka ayaa magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya jirdil xooggan ugu gaystay gabar Muslimad ah.

Gabadhan ayey askarta Dowladda Fedaraalku ku garaaceen isgoyska Sayidka ee ku yaall aagga madaxtooyada looga arrimiyo Dowladda Fedaraalka, waxayna ilaalo u ahaayeen mas’uul katirsan xukuumadda uu hogamaiyo Xasan Sheekh oo watay gaari nooca aan xabaddu karin ah.

Jirdilka ay gabadha ugeysteen ayaa isugu jira garaacis ul iyo laad, intaasi kadibna waxay ku kala tuureen mooto Bajaaj goobta taagneyd ay ku dhacday waxyeellona ay kasoo gaartay, intan oo tacaddi ahna waxaa lagu arkayaa muuqaal laga duubay askartan goorta ay falka ku kacayeen.

Ma ahan markii ugu horreysay oo ay ciidamada Dowladda Fedaraalka xadgudubyo kala duwan kula kacaan shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho gaar ahaan dumarka asturan, kuwaasoo ay si gaar ah ubeegsadaan.

Askarta Dowladda Fedaraalka ayaa dumarka xijaaban xoog uga fura indhashareerada, wayna ugacan qaadaan, iyagoo udhibaateynaya astaamaha diinteenna ee ka muuqda awgood.

Halkaan ka Degso Warka Jirdilka Ciidanka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.