Askartii ku dhaawacantay qaraxii dhawaan ka dhacay xero Damaanyo ee magaalada Muqdisho ayaa iyagoo isbitaallada jiifa loo heystaa lacagihii lagula tacaalay.
Askartaan oo qaarkood ay bogsadeen kuwa kalana ay wali la jiifaan dhaawacyadii soo gaaray ayaa waxaa loo diiday in isbitaallada laga saaro, sababo ku aaddan lacago lagu leeyahay oo qofkiiba ah 7,000$
Qaar kamid ah askartaas iyo ehelladooda oo saxaafadda la hadlay ayaa waxa ay ka warrameen xayiraadda ku heysata isbitaallada.