Dalka Faransiiska oo kamid ah wadamada sida aadka ah looga naceb yahay Islaamka iyo Muslimiinta, ayaa waxaa mudooyinkii lasoon dhaafay kusoo badanayay falalka Islaam naceybka ah ee ay geysanayaan gaalada xagjiriinta ah.
Axsaabta siyaasadeed ee ka dhisan dalka Faransiiska ayaa hormuud ka ah falalkaan islaam naceybka ah, iyadoona ay sare ukaceen xadgudubyada ka dhanka ah Muslimiinta iyo muqadasaadkooda, kuwaas oo ay ku kacayaan xubno abaabulan oo ay gadaal ka riixayaan axsaabta xagjirka ah.