Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa sidii horayba looga bartay soo bandhigtay muuqaalka dagaal xiiso badan oo cagta lagu mariyay saldhigyo ciidan oo isku raran ahaa, kuwaas oo ku yaalla hareeraha iyo gudaha magaalada Nayuunu ee dalka Maali, waxaa sidoo kale kamid ah goobaha lagu daawan karo filimkan oo ay mujaahidiintu cagta mariyeen xafiisyo dawladeed oo ku yaalay magaalada, kaddib markii ay isaga firxadeen mas’uuliyiintii ku sugnaa. Ciidamada mujaahidiinta ayaana dagaalkaas ku furtay qalab ciidan oo aad u badan, halka ay gubeen in kabadan tobanaan gaari oo ay kamid ahaayeen gawaari gaashaaman, sida laga dheehan karo muuqaalka ay baahisay Az-Zallaaqah.
Waxaa filimkan ay baahisay mu’assasasada Az-Zallaaqah lagu bilaabayaa, ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliim oo ku sugan goob fagaare ah, halkaas oo lagu jeexjeexayo qaabkii uu dagaalku u dhici lahaa, taas oo ay sharaxayaan saraakiil ka tirsan ciidamada mujaahidiinta, waxayna sidoo kale qiyaadada mujaahidiinta ee goobta ku sugnaa askartooda siinayaan tawjiihaadkii iyo talooyinkii ugu dambeeyay ee ay dagaalka ku gali lahaayeen.
Waxaad sidoo kale qaybahan ku arkaysaa ciidamada mujaahidiinta oo u jihaysanaya goobta sida gaarka ah loo beegsanayo ee magaalada Nayuunu, kuwaas oo ku qalabaysan saanad ciidan oo ay ka mid yihiin gawaari tikniko ah. Mudo saacado ah kaddib waxaad muuqaalka ku arkaysa boqolaal ciidamo hubaysan ah oo jiiraya difaacyo adag oo lagu gadaamay saldhiga ay ciidamada Maali kaga sugnaayeen magaalada.
Askarta Maali oo weerarkan xooggan la kulmay xili aysan filanayn ayaa markii ay jabaqda rasaastu is qabsatay jihaadiyiintuna ay ooda ka qaadeen rasaas xooggan waxay naftu biday inay cagaha wax ka dayaan, kuwaas oo laga dheehan karo muqaalka ay sajileen sawir qaadayaasha Mu’assasada Az-Zallaaqah oo duubista dagaalkan u adeegsanayay diyaarado daroonis ah, dusha sarana kala socday qaabka uu hawgalku u socdo.
Ciidamada Maali oo horaanba looga bartay xasuuqa dadka abriyada ah, horay u dilay boqolaal shacab ah, ayaa markii ay u adkaysan waayeen xabada kulul ee mujaahidiinta isaga firxaday fagaaraha dagaalka, askartii ku sugnaa gudaha xerada ayaana noqday mid ay xabadda mujaahidiintu haleesho iyo mid si dirqi ah kaga baxsaday goobta.
Jihaadiyiinta ayaana markii ay cagta mariyeen saldhigyadii ku yaalay hareeraha deegaanka waxaa u suura gashay inay gudaha ugalaan magaalada Nayuunu gaar ahaan xarumihii dawladda ee ku yaallay magaaladaas, kuwaas oo sidaba laga dheexan karo filimka ahaa goob barkulan u ah ciidamada dawladda ee ku sugan gobalkaas, si aad ahna u qalabaysnaa, waxayna jihaadiyiintu dab qabad siiyeen inta badan agabkii yaalay gudaha xeryaha ay weerareen.
Qaybaha dambe ee muuqalkan xiisaha badan waxaa lagusoo bandhigay maydadka askarta dawladda Maali oo daadsan fagaarihii la iskay farasaaray, kuwaas oo ay dhafooradoodu ka muuqato rasaasta mujaahidiinta. Waxaad sidoo kale qaybahan ku arkaysaa qaniimada ay jihaadiyiintu kusoo furteen dagaalkan, taas oo ay kamid tahay gawaari gaashaaman iyo kuwo tikniko ah, kuwaas oo ay haray ciidamada Maali ugusoo qalabeeyeen dawladdo shisheeye.