Sunday, June 15, 2025
HomeAll NewsAz-Zallaaqah oo Baahisay Muuqaalka Weerar Lagu Dilay 100 Askari oo Katirsan Xukuumadda...

Az-Zallaaqah oo Baahisay Muuqaalka Weerar Lagu Dilay 100 Askari oo Katirsan Xukuumadda Mali.

Mu’assasada Az-Zallaaqah ayaa baahisay filimka hadyada Ciidul Adxaa, kaas oo lagusoo bandhigay dagaal culus oo isbuucii ina dhaafay ka dhacay dalka Maali, halkaas oo lagu dilay in kabadan 100 Askari iyada oo gacanta lagu dhigay 22 askari oo maxaabiis ah. Ciidamada mujaahidiinta ayaana dagaalkaas kusoo furtay saanad ciidan oo aad u badan, halka ay gubeen in kabadan 30 gaari oo ay kamid ahaayeen gawaari gaashaaman, sida laga dheehan karo muuqaalka.

Qaybaha ugu horeeya ee filimkan xiisaha badan ee ay baahisay mu’assasasada Az-Zallaaqah oo soconayo qadar 16 daqiiqaha ayaa lagusoo bandhigay, ciidamo aad u hubaysan oo ka tirsan jihaadiyiinta Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Musliim, kuwaas oo jiiraya difaacyo adag oo lagu gadaamay saldhiga ay ciidamada Maali kaga sugnaayeen deegaanka Boolaakiisi ee dalka Maali. Ciidamadan oo weerarkan xooggan la kulmay xili aysan filanayn ayaa markii ay jabaqda rasaastu is qabasatay ku kala firxaday dhufaysyada, kuwaas oo laga dheehan karo kamaradaha Az-Zallaaqah oo dusha sare kala socday dhaqdhaqaa ciidamada ku suganaa gudaha xerada iyo nawaaxigeeda.

Ciidamada Maali oo horaanba looga bartay xasuuqa dadka shacabka ah, kuwaas oo garab istaag joogto ah ka hela ciidamada murtazaqadaha ee Fagnar ayaa markii ay u adkaysan waayeen xabada kulul ee mujaahidiita isaga firxaday fagaaraha dagaalka, ciidamadii ku sugnaan gudaha xerada ayaana noqday ari weer galay iyaga oo marba dhinac u didaya raadinayana gees aamina oo ay ka baxaan ayaa ugu dambayn noqday mid la toogtay iyo mid ka booda difaacyada xearada. Waxyaabaha ugu xiisaha badan ee laga dheehan karo filimka ayaana ah qaar kamida ciidamadii ku sugnaa gudaha xerada oo ka daadanaya iskaabooniyada difaaca, kuwaas oo ay dusha sare ka duubayaan kamaradaha Az-Zallaaqah, hase ahaatee ugu dambayn kusoo dhacaya gacanta mujaahidiinta iyaga oo maxaabiis ah.

Dagaal culus oo socday mudo saacado ah oo ka dhacay afaafka hore ee xerada, kaas oo la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan ayaa ugu damabyn waxaa mujaahidiinta u suura gashay in ay gudaha u galaan xerada, iyaga oo toogasho ka dhex bilaabay gudaha difaacyadii ay ku dhuumalaysanayeen ciidamada Maali, waxaana subaxaas fagaaraha la dhigay in kabadan 100 askari, sida lagu arki karo muuqaalka ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah, kaas oo ay kasoo muuqanayaan tobanaan askari oo is barkan oo ay haleeshay xabada mujaahidiinta.

Qaybaha dambe ee muuqaalka ayaana lagu daawan karaa, ciidamada mujaahdiinta oo si xeeladaysan ugu gaaf wareegaya difaayadii u qodnaa ciidamada Maali, kuwaas oo iyaga oo dhaawac ah isku dayaya inay ka badbaadaan xabada mujaahidiinta. Waxaana sidoo kale qaybahan lagu daawan karaa saanada ciidan ee ay jihaadiyiintu kula wareegeen dagaalkan, iyaga oo sidoo kale goobta ku gubay in kabadan 33 gaari oo nooca dagaalka ah oo yaallay gudaha xerada.

Halkaan ka Degso Warbixinta Muuqaalka

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.