Monday, June 2, 2025
HomeAll NewsAz-Zallaaqah oo Baahisay Tirakoobka Weeraro Dhacay Bishii Lasoo Dhaafay ee Dulqacdah.

Az-Zallaaqah oo Baahisay Tirakoobka Weeraro Dhacay Bishii Lasoo Dhaafay ee Dulqacdah.

Ciidamada Mujaahidiinta ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin ayaa soo bandhigay tirakoob guud oo ay ka sameeyeen hawgaladii jihaadiga ahaa ee dhacay bishii lasoo dhaafay ee Dhul-qacdah 1446 Hijri. Tirakoobkan oo loogu magac daray miraha hawgalada jihaadiga ah ee galbeedka Afrika ayaa lagusoo bandhigay tirada askarta la dilay iyo weerarada ay Mujaahidiintu ku qaadeen ciidamada dowladahaas iyo kuwa shisheeye ee kalkaalka u ah.

Sida lagu xusay tirakoobka ay baahisay Mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah,  hawgaladii jihaadiga ahaa ee dhacay bishii ina dhaaftay waxaa lagu dilay illaa 828 askari oo iskugu jira ciidamada dalalka galbeedka Afrika iyo calooshood u shaqaysayaasha murtazaqada Fagnar, kuwaas oo duulaan cadowtooyo ku jooga wadamada saaxilka. Tiradan ayaa noqonaysa cadadkii ugu badnaa oo ay mujaahidiintu dileen muddo kooban gudaheed.

Tirakoobkan kasoo baxay ciidamada mujaahdiita ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin waxaa sidoo kale lagu sheegay, fulinta  in ka badan 32 weerar oo cagta lagu mariyay saldhigyo ciidan, kuwaas oo si dhamaystiran loo burburiyay. Waxaa intaas dheer, in ay jihaadiyiintu qaadeen illaa 7 hawlgal oo kamiin ahaa oo lala eegtey kolonyo ciidamo ah oo lagu dilay saraakiil ciidan.

Dhinaca kale, ciidamada mujaahidiinta ayaa bishii lasoo dhaafay ee Dhul-qacdah fuliyay 25 qarax oo loo adeegsaday miinooyinka dhulka lagu aaso, kuwaas oo lagu burburiyay gawaari dagaal, sida lagu sheegay tirakoobka guud ee ay soo saartay mu’assasada warbaahineed ee Az-Zallaaqah,  qaraxyadan ayaa qayb wayn ka qaatay dhiig-bixinta ciidamada dalalka galbeedka Afrika.

Waxaa sidoo kale tirakoobka lagu xusay weerarada Inqimaasiga ah ee ay fuliyeen guutada Istishhaadiyiinta ee Jamaacada Nusrtaul Islaam Wal-Muslimiin, Inkastoo aan la carrabaabin xadiga rasmiga ah ee weerarada Inqimaasiga ah, hadana ciidamada mujaahidiinta ayaa sheegay in weeraradaasi ay horseedeen burbur baaxad leh oo gaaray askarta dalalka galbeedka Afrika.

Geesta kale, mu’assasada Az-Zallaaqah oo soo saartay tirakoobkan ayaa markan diirada saaraysa gaadiidka dagaal ee lagu gubay, kuwa la furtay iyo hubka lagula wareegay dagaaladii dhacay bishii dhamaatay ee Dhul-Qacdah. Sida lafu xusay taqriirka, waxaa gabi ahaanba la gubay 54 gaari oo ahaa nooca dagaalka, iyada oo gacanta lagu dhigay 29 kale, waxaa sidoo kale gaadiidka lagu furtay dagaaladan qayb ka ahaa 168 mootto oo ah nooca laba lugooda.

Ciidamada mujaahidiinta ayaa sidoo kale hawgaladan jihaadiga ah kula wareegay 872 qori oo iskugu jira hubka fudud iyo kuwa culus, intaa waxaa sii dheer in dagaaladan lagu qabtay 2 askari oo maxaabiis ahaa, sida lagu xusay tirakoobka hawgalada bisha Dhul-Qacdah oo ay baahisay mu’assasada Az-Zallaaqah oo ah garabka warbaahineed ee Jamaacada Nusratul Islaam Wal-Muslimiin.

Tirakoobkan ayaa muujinaya kororka hawgalada Jihaadiga ah iyo burburka baaxada leh ee ku socda askarta dalalka Saaxilka Afrika. Bishii lasoo Dhaafay ee Dhul-qacdah ayaa aad uga duwanayd bilihii ka horeeyay, taas oo keentay inay dawladaha reer galbeedku ka qaylo dhaamiyaan awooda sii kordhaysa ee Ciidamada Mujaahidiinta Jamaacada Nusrtaul Islaam Wal-Muslimiin.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.