Waxaa Baarlamaanta Dowladda Fedaraalka shalay la horgeeyay heshiis mad madow uu ku jiro oo uu wato ururka IGAD oo ay Dowladda Fedaraalku qeyb ka tahay.
Kulankii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho ee ay yeesheen xildhibaanada, ayaa waxaa ka muuqanayay iney ku kala qeybsameen heshiiskan oo shaki badan laga muujinayo islamarkaana la sheegay inuu ku saabsan yahay arrimo uu kamid yahay dhaqaalah.
Waxaa la arkayay xildhibaano diidan urururkan oo sheegaya inuu dhibaatooyin kala duwan ku hayo islamarkaana kala qeybinayo iyaga dhexdooda.
Xildhibaanada diidan IGAD ayaa sheegay ineysan wax faa’iido ah ugu jirin kasii mid ahaan shaha ururkan, iyagoo tilmaamay inuu ku fashilmay, ujeedooyinkii la sheegay in loo dhisay.