Dowladda Bangladesh ee dhacda qaaradda Aasiya ayaa dib ugu daabacday baasaboorkeeda weer horay ugu qornaan jirtay oo ahayd ” waa lagu tagi karaa dalalka oo dhan marka laga reebo Yahuudda” taas oo ay meesha ka saartay Xukuumaddii Hasina ee talada laga tuuray, sida ay ku warameen warbaahinta maxalliga ah ee dalkaas, taasoo si hufan uga mamnuucday muwaadiniinteeda inay u safraan dhulka ay Yahuudda xoogga ku haysato ee Falastiin.
Sarkaal ka tirsan wasaaradda arrimaha gudaha ee Bangladesh ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee dalkaas, in mas’uuliyiinta ay todobaadkii hore soo saareen awaamiir lagu farayo, in baasaboorrada dib loogu daabaco weertaas kasoo reebaysa in dhulka ay Yahuudda xoogga ku haysato aanan lagu tagi karin baasaboorkaas.
Intii lagu guda jiray sannadihii ugu dambeeyay ee haweenaydii xilka dalkaas laga tuuray ee Hasina, ayaa laga tirtiray weertaas, taas oo baasaboorrada Bangladesh ku daabacnayd muddo tobanaan sano ah.
Waxayna haweenaydaaas ka dhigtay baasaboorka dalkaas mid lagu tagi kara dhamaan dalal caalamka iyo dhulka ay Yahuudda gumaysato ee Falastiin, Hasina ayaana xiriir dhaw la lahayd Hindiya oo taageero iyo taakulaynba la garabtaan maamulka Yahuudda, iyadoo markii xilka laga tuurayn u carartay dalkaas.
Waxaa xusid mudan in Bangladesh oo ay ku nool yihiin in ka badan 170 Milyan oo u badan muslimiin, aysan wax xiriir ah la lahayn Yahuudda, iyagoo oo si rasmi ah u taageerto dhismaha dowlad madax bannaan oo Falastiintu leeyihiin.
Taageerada shacabka dalkaas ay u hayaan dadka reer Falastiin ayaana caddeeyd Sabtidii, kolkaas 100 kun oo qof ay isugu soo baxeen caasimadda Bangladesh ee Dakaa, si ay u garab istaagaan reer Qaza, isla markaana ay u cambaareeyaan xasuuqa ay Yahuudda ka waddo dhulkaas muddo ku dhow sannad iyo bar.