Barakac ayaa ka billawday tuulooyin hoostaga degmada Jowhar ee gobalka Sh-dhexe, kadib markii uu fatahaad sameeyay wabiga Shabeelle ee mara gobalkaas.
Dadka ku dhaqan tuulooyinka hoosyimaada magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe, ayaa wax ay bilaabeen in ay guryahooda iskaga barakacaan, kadib fatahaad uu sameeyaa wabiga Shabeelle. Toolooyinka ay sida aadka ah uga barakacayaan dadka ayaana waxaa kamid ah, tuulada Libiga, tasoo aad ugu dhaw magaalada Jowhar.