Wednesday, June 18, 2025
HomeAll NewsBashiir Axmed Salaad oo Sheegtay in Dowladda Fedaraalka ay Mushkilad ku Noqotay...

Bashiir Axmed Salaad oo Sheegtay in Dowladda Fedaraalka ay Mushkilad ku Noqotay Bulshada.

Mid kamid ah wadaadaha ufatwooda Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka ayaa sheegay, in Dowladda uu hogaamiyo Xasan Sheekh ay noqotay muskilad kusoo korortay bulshada, waxa dhibaatooyinka geystana ay yihiin xubnaha iyada katirsan.

Bashiir Axmed Salaad oo kamid wadaadaha ufatwooda Shisheeyaha iyo Dowladda Fedaraalka ayaa waxa uu shaaca ka qaaday, in Dowladda Fedaraalka ay tahay mid fashilantay, islamarkaana caqabad ku ah bulshada.

Waxa uu tilmaamay iney horseeday dhibaatada ay magaalada ka wado inay geyso baadiyaha, islamarkaana ay hubka isugu dhiibto qabaa’ilka.

Waxa uu intaasi ku daray ineysan wax kalsooni ah ka dhex jirin hey’daha Dowladda Fedaraalka, kuwa dhibaatada geysanayana ay yihiin xubnaha iyada katirsan, dowlad nuucaas ahna aysan heli doonin kalsoonida ay bulshada ka raadineyso.

Halkaan ka Degso Warka Bashiir Axmed Salaad

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.