Munaasabad ka dhacday magaalada Jamaame ee wilaayada Islaamiga Jubbada Hoose, oo ay ka horeysay dowro diini ah, ayaa lagu xalliyay khilaaf u dhexeeyay labada beelood ee Biyamaal iyo Sheekhaal, kaasoo dhaliyay gacan ka hadal dhiig uu ku daatay.
Labada beelood ayaa iska dilay min hal ruux, kadib shaqaaqado ka dhacday deegaanno katirsan gobolka Jubbada Hoose, waxaana markii dambe wadahadal dheer kadib ay ka heshiiyeen arintaas.