Degaanka Farsooleey ee gobolka Sh/Hoose waxaa ka dhacay munaasabad ay diyo kula kala wareegayeen beelaha Ajuuraan iyo Garre oo kamid ah beelaha Soomaaliyeed.
Qabiilka Garre ayaa horay udilay nin udhashay beesha Ajuuraan, waxayna maxkamadda shareecada Islaamka ku xukuntay 100 neef oo Geel ah, 86 kamid ah Geelaas waxay ku wareejiyeen beesha Garre qabiilka Ajuuraan, halka 5 neef loo cafiyay 9 kalena ay ku hartay.