Friday, April 25, 2025
HomeAll NewsBeelaha Habargedir iyo Tunni oo Diyo ku Kala Qaatay Magaalada Kuunyo Barrow...

Beelaha Habargedir iyo Tunni oo Diyo ku Kala Qaatay Magaalada Kuunyo Barrow ee Gobalka Sh-hoose.

Beelaha Habargedir iyo Tunni ee dega gobolka Shabeellaha Hoose ayaa kala qaatay diyo ay horey u xukuntay Maxkamadda Islaamiga ee Wilaayada Shabeellaha Hoose.

Nin kasoo jeeda beesha Harabrgedir ayaa horey u dilay nin u dhashey beesha Tunni, waxaana maxkamadda Islaamiga ah xukuntay boqol neef oo geel ah, taasoo ah diyada ruuxa la dilay.

Hadaba munaasabad ka dhacday magaalada Kuunyo Barrow ayay labada beelood ku kala qaateen diyada, waxaana marka hore hadlay suldaanka beesha Habargedir ee Shabeellaha Hoose Suldaan Cabdullaahi Maxamed Abtidoon, kaasoo goobta ka sheegay lacagta ay wareejiyeen, una mahadceliyay beesha Tunni.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Suldaan Muxamad Cabdilqaadir suldaanka guud ee beesha Tunni, oo la wareegay lacagta diyada ah, isagoona tilmaamay iney ku simayaan dadka Awliyaa’u damka ah.

Halkaan ka Degso Warka Diyada

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

Most Popular

Recent Comments

Xaatim mukhtar faarx on HAMBALYO: RAMADAAN MUBAARAK.