Munaasabad ka dhacday deegaanka Kuunyo-Barrow oo gobalka Sh-hoose, ayaa waxa ay beesha Tunni oo kamid ah beelaha degaa gobalkaasi ku bixisay Geel ay ugu talogashay ciidamada Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee ku sugan furimaha dagaalka ee Sh-Hoose.
Beesha ayaa bixisay 10 neef oo Geel ah iyo agabyo kale oo kamid yihiin 150 oo Timir ah, waxaana munaasabadda ka qeyb galay oo warbixintaan inooga diyaariyay Wariyaheenna Maxamed Daahir Calasoow.