Booliska Dowladda Kenya ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen, iney gacanta ku dhigeen 2 ruux oo Keenyaan ah kuwaas oo ay ku eedeeyeen iney ku biireen Dowladda Fedaraalka.
Wargeyska lagu magacaabo The Star ee kasoo baxa dalka Kenya oo soo xiganaya Boliska xukuumadda Nairobi ayaa waxa uu baahiyay, in labadaan ruux lasoo qabtay iyagoo dhac ka geysanaya degaan katirsan dalkaas.
Waxa ay sidoo kale Bolisku sheegeen in xubnahaan lagu soo oogayo dacwad ah in iyagoo muwaadiniin Keenyaan ah ay ku biireen dowlad Shisheeye.
Ragaan ayaa waxa ay ku hubeysanaayeen qoryo AK-47 ah, waxaana ay Bolisku sheegeen iney ay wajahi doonaan falal dambiyoodyo ay kamid yihiin xatooyo, gacan ka hadal iyo iska diiwaan galinta dowlado Shisheeye.