Xogo dheeraad aha yaa laga helayaa khasaaraha nafeed ee ka dhashay, dibad-baxyo ay dadka ku dhaqan magaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer ay maalintii shalay ka dhigeen magaaladaas.
Ciidamda Boliska ee maamulka la baxay Soomaaliland, ayaa waxa ay dadka shacabka ah u adeesadeen rasaas nolnool, iyagoona halkaasi waxyeello ku gaarsiiyay tiro dad ah.
Warbaahinada halkaasi kasoo waramaya ayaa waxa ay tilmamayaan, in 2 ruux oo shacab ah ay ku dhinteen rasaasta ay sida bareerka ah u ridayeen ciidanka Boliska ee maamulka la baxay Soomaaliland, halka ay dhawacmeen 40 kale.
Sarkaal katirsan Boliska maamulka la baxay Soomaaliland ee magaalada Burco oo ah xarunta gobalka Togdheer, ayaa xaqiijiyay khasaarahaaan nafeed ee ka dhashay dibadbaxyada, isagoona sheegay in la waxyeelleeyay wasaarado uu lahaa maamulka.