Wararka ka imaanaya magaalada Jigjiga ayaa ku waramaya, in ciidanka Boliska ee maamulka Xabashidu ka dhisatay halkaas ay si arxan darro ah udileen wiil dhalinyaro ah.
Wiilka la dilay oo ay da’diisu aheyd 17 jir ayaa waxaa lagu magacaabaa Shaafici C/kariin Cali, waxa ayna Bolisku ku dhex dileen xabsi ku yaalla magaalada Jigjiga, halkaas oo uu ku xirnaa muddo dhowr iyo 40 maalmood ah.