Saacadihii lasoo dhaafay waxaa ismaamul katirsan dalka Kenya ka dhacay, dil la sheegay in ciidamo katirsan Booliska Kenya ay saldhig dhexdiis ugu geysteen qof shacab ah.
Ruuxa la dilay oo ahaa nin 44 jir ah ayaa waxa ay ciidamada Booliska ku eedeeyeen, inuu is-hortaag ku sameeyay saraakiil katirsa Booliiska isagoo sakhraansan.
Markii ay taasi dhacday kadib, ciidamada ayaa ninkaan ukaxeeyay saldhigga, waxaana saacado kadib la arkay isagoo meyd ah.
Falkaan ayaa waxa uu si gaar ah kaga dhacay saldhig ku yaalla deegaanka Kipipiri ee ismaamulka Nyandarua oo katirsan dalka Kenya.
Booliska Kenya oo umuuqday kuwa iska fogeynaya eedda ah iney iyagu ka dambeeyaan dilka ninkaan ayaa waxa uu sheegay, in ruuxa ay xireen uu isagu is dilay, islamarkaana uu isku daldalay shaatigii uu watay.
Inkastoo aan wali si rasmi ah loo xaqiijin dhacdadaan, haddana waxa ay tani walaac xooggan ku abuurtay dadka Keenyaanka ah.
Dhawaan ayay aheyd markii Taliye ku xigeenka ciidamada Booliska ee Dowladda Kenya uu iska casilay xilkii uu hayay, kadib markii dil bareer ah ay ciidamada Booliska dalkaasi ugeysteen wiil dhalinyaro ah oo lagu dhex dilay xabsi ku yaalla dalka Kenya.