Markii Batriishiyaa Balwuus ay maqashay hadallo khatar ah oo kasoo yeeray sarkaal sare oo ka tirsan booliiska Koonfur Afrika todobaadkii hore, kaas oo ka dhan ahaa siyaasiyiinta iyo saraakiisha amniga ee dalkaas, waxaa isla markiiba maskaxdeeda kusoo dhacay baaritaan hakad ku yimid oo lagu waday dil wiilkeeda loogu geystay dalkaas sagaal sano ka hor, kaas oo ay dharaar cad toogteen koox tuugo iyo burcad ah.
Halka ilaa iyo hadda, kiiska dilka wiilka haweenaydan wax yar oo horumar ah lagama gaarin, in kasta oo ay haweenaydaan booliiska siisay caddaymo ay ku andacoonayeen inay ka maqan yihiin, oo ay ku jiraan marag-furyo ay iyadu iskeed usoo ururisay.
Sababta fadhiidnimadan ayaa u caddaatay kadib hadal uu sheegay taliyaha booliiska gobalka Kuwaazulu-Naatal, ninka lagu magacaabo Nahlaanhala Makhwaanaazi, kaas oo sheegay inuu daaha ka qaaday, shabakad dembiilayaal ah oo ay ku lug leeyihiin siyaasiyiin, saraakiil sare oo booliis ah, saraakiisha xabsiyada, xubno ka tirsan garsoorka Koonfur Afrika, kuwaas oo ay ku jiraan dacwad-oogayaasha, iyo ganacsatada gobolkiisa.
Shir jaraa’id oo uu qabtay 6-dii bishan Julaay, ayaa waxa uu taliyaha gobalkaas muujiyay, in musuqmaasuqa nidaamsan uu gaaray Wasiirka Booliiska ee Koonfur Afrika laftiisa, ninka lagu magacaabo Siinzuu Mitshunu, kaasoo uu ku eedeeyay inuu burburiyay koox baaritaan gaar ah oo loo xil-saaray daba galka dilalka siyaasadaysan, isagoo tilmaamay, inuu arintaas uga gollahaa difaacidda saaxiibadiisa la tuhunsan yahay.
Si la mid ah Malaayiin Koonfur Afrikaan ah, waxa ay haweenaydan aad uga carootay eedeymahan, waxayna tiri “Waxaan isla markiiba ka fikiray sidii aan wiilkayga caddaaladda ugu heli lahaa, balse wali maanta ma helin albaab furan, xanuunka waayitaanka wiilkaygana weli wuu I gubayaa,” ayay tiri Batriishiyaa Balwuus oo sanadkii 2016-kii uu wiilkeeda ku baxay gacanta burcad Koonfur Afrikaan ah.
Hadallada taliyaha booliiska ee gobalka Kuwaazulu-Naatal ee waddanka Koonfur Afrika waxa ay dhaliyeen mowjad taageero ah, taas oo si isku mid ah kaga timid shacabka dalkaas ee danbi kasoo daalka ah iyo qaar kamida siyaasiyiinta, iyadoo habka uu ninkaasi uga hortagaya danbiyada ay soo jiidatay bulshada iyo caalamka.
Waxay taageerada shacbi ee uu helay taliye Makhwaanaazi ka tarjumaysaa qalalaasaha ragaadiyay waddanka Koonfur Afrika, iyadoo taageera-yaashiisa ay aad uga muuqdeen gobolka uu taliyaha ka yahay ee Kuwaazulu-Naatal, kaas oo aan xasiloonayn isla markaana caanka ku ah dabeecadda dembiyada iyo taariikhda rabshadaha siyaasadeed ee soo taxnayd tan iyo sannadihii 1980-meeyadii, markaasoo taliskii midab-takoorka uu huriyay iskahorimaadka u dhexeeya labo xizbi oo ka jiray halkaas.