Boqallaal ruux ayuu soo ritay cudur halis ah oo ka dillaacay gobalka Miiru ee kamid ah goballada qaadka ugu badan laga soo saaro ee dalka Kenya, kaas oo loosoo dhoofiyo Soomaaliya.
Cudurkaan oo loo yaqaanno kudka ayaa waxa lasoo warinayaa in boqallaal ruux uu kusoo ritay gobalkaas, halka ay u baqtiyeen kumannaan xoolo ah.
Dadka ugu badan ee uu soo ritay cudurka ayaa waxa ay yihiin kuwa ka shaqeeya beeraha qaadka ee gobalka Miiru.
Waxaa jirta cabsi xooggan oo laga qabo in cudurkaan uu si fudud ugu soo gudbo Soomaaliya, maadaama beeraaladeyda Kenya ay qaadka usoo daabulaan dalkeenna, waxaana dhaqaatiir Soomaali ah ay sheegeen in cudurkaan lagu kala qaado taaabashada, sidaas awgeedna aysan shaki laheen in Soomaaliya uu usoo gudbi karo haddii aan laga hortagin.